Ciidamada dowlada Itoobiya ayaa dilal ka geystay bariga Ismaamulka Oromada, iyaga oo begsanayo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Sida aan kasoo xiganay, hayada Ethiopian Human Rights Coalition (EHRC), ciidamada dowlada ayaa sedax qof ku dilay degaanka Kombolcha, waxaana kamid ah Bontu Mohamed, Hamza Mustafa, iyo Maruf Abdalla Muse.

Dhinaca kale ciidamada Itoobiya ayaa wil 13 jir ku toogtay degaanka Gelemso, waxaana magaciis naloo sheegay inuu ahay Mohammed Kalil Haji.

Ugu dambeyn waxaay ciidamada magalaada Harar ku dileen Bayan Aliyi Mume. Dilalka ay ciidamada u geystan dadka rayidka ah iyo kacdoon-wadayaasha kasoo jeedo qomiyada Oromada ayaa aad uso batay mudooyinkii udambeyay.

Halgan Media.