Ugu yaraan 60 qof ayaa geeriyootay halka 100 kalena ay dhaawacyo culus gaareen kaddib markii booyad nooca shidaalka qaada ah uu dab ku qabsaday deegaanka Msamvu Itigi ee dalka Tanzania.

Taliye u hadlay Booliska gobolka Morogoro ee dalka Tanzania, ayaa warbaahinta u sheegay inay goobta ka qaadeen meydadka 57 ruux, waxeyna sawirro laga soo qaaday oo lasoo galiyay baraha bulshada ay muujinaya burburka booyada gubatay iyo meydad dadkii gubtay oo dhulka yaalla.

Magaalada uu shilkan ka dhacay ayaa marin muhiima u ah gaadiidka waaweyn ee shidaalka kasoo qaada dekedda ku taalla  magaalada ganacsiga ee waddankaas ee Dar es Salaam.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.