Xisbiga mucaaradka ee EZEMA oo matello qomiyada Amxaarada ayaa sheegay in booliska federalka ay hor istaag ku sameeyen shir ja’raaid ay ku qaban laheeyen Hotel ku yaallo magalaada Addis Ababa.

Shirka jaraaid ayaa lagu qaban rabay Ras Hotel, markii ay goobta gareen booliska, kadib waxey dadkii mesha jogay iyo warbaahintii kaso qeyb gashayba ay kala tagaan sido kale kalana madaxdii xisbiga ay jojiyan shirka jaraaid ay donayan in ay qabtaan..

Natnael Fekeke oo ah Afhayeenka u qabilsan xisbiga EZEMA ayaa idaacada VOA ee laanta Amxaarada u sheegay in marar badan ay shir badan ku qabten caasimada balse aysan ogeyn sababta loo joojiyay shirkoodani.

Xisbiga EZEMA waxaa ku middobay 5 xisbi ay kamid tahay Jabhada Ginbot 7 oo ahayd Jabhad hubeysan oo muda dheer dagaal kula jirtay Taliska Tigreega ee TPLF.

Halgan Media.