Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dalkaasi ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan u tegay dalkaas.

AUN Maxamuud Maxamed Aadan ayaa Kooxaha Burcadda ah waxaa ay ku dhex-dileen Dukaankiisa oo ku yaalla degaanka Danoon oo (21 km) u jirta Xaafadda Bellville ee Magaalada Cape Town.

Ragga dilka u geystay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale dhac xoogan u geystay, iyaga oo qaatay lacag iyo Agab kale oo dukaanka yaallay, kaddibna ay Goobta ka baxsadeen.

Dhibaataynta lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika ayaa muddo dheer soo socotay,ilaa iyo haddana ma jiro xal loo helay sidii lagu badbaadin lahaa nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

Halgan Media.