Wararka laga helayo magalaada Baydhabo ee caasimada kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka KGS ayaa sheegaya in uu Madaxweyne Cabdiaziz Laftagareen guddomiye cusub uu magacabay gobolka Bakool.

Wareegto kasoo baxay Madaxtooyada KGS ayaa sheegaya in xilka laga qaaday Maxamed Cabdi Tool iyo guddomiyaha cusub gobolka Bakool loo magacabay Shiina Macalin Nuurow, waxaana uu sidoo kale Magacaabay ku xigeenadiisa.

Isbedalka lagu sameeyay mamuulka gobolka Bakool ayaa ku begen xili ay amaanka gobolka faraxa kasii baxayo, iyadoo ay kooxda Al Shabaab weeraro joogta ah ku hayaan magaaloyinka oo kala ah Xudur iyo Wajid.

Halgan Media