Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo deegaano hoos yimada magaalada Burhakaba ee gobolkaasi.

Ciidamada Xogga Dalka ayaa lagu soo warramayaa in howlgallo cusub oo ka dhan ah Al Shabaab ay ka bilaabeen halkaasi.

Qar kamid Saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ayaa Halgan Media u sheegay in ujeedka uu yahay, sidii dagaalyahannada Al Shabaab looga saari lahaa deegaanada hoos taaga magalaada Burhakaba.

Xalay ayey aheyd markii ururka Al Shabaab ay madaafic ku garaaceen magalaada Burhakaba. Al Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Bay iyo Bakool ayaa inta badan weeraro ku soo qaada ciidamada huwanta ee ka howlgala labada gobol.

Halgan Media.