Wararka nagasoo gadhaay gobolka Somalida ay Kenya gumaysato loo yaqaano NFD ayaa sheegaya in ciidamada Kenya, ay magalaada Mandheera ku xiray Gudoomiyaha Degmada Ceel Waaq Ibraahim Guuleed Aadan iyo Korneel Warfaa Sheekh Aadan oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya.

Labadan Masuul, ayuu ku sii jeeday magaalada Nairobo, waxaana Xabsiga dhiay Ciidamada amaanka, iyadoo Su’aalo lau weydiinayo mid kamid ah Xarumaha wax lagu baaro.

Gudoomiye Kuxigeenka degmada ceel Waaq Sahal Macalin, ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay xairga xubnahan, isgaoo sheegay inuu Dowladda Kenya kala hadlay sii deyntooda.

Si dhab ah looma oga, ujeedka ay u socdeen xubnahan katirsan Maamulka degmada Ceel Waaq, waxaana wali arintan ka hadal Maamulka Jubaland.

Ciidamada kenya, ayaa dhowr jeer dhibaatooin u geystay dadka ku sugan Ceel Waaq, waxaana dhibaatooinkaas geystay Ciidmaada la dagalaanka ARgagixisada Kenya, iagoo sidoo kale burbruiyay Xarumo muhiim ah.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.