Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in ay si rasmi ah ula wareegeen magaalada Moyaale ee dalka Ogadenia oo maalmihii la soo dhaafay kasocday xasuuq bahsan ay maleeyshiyaadka Oromada kuhayeen shacabka Somalida.

Mooyaale ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka taagnaa xurguf u dhaxeysa shacabka Soomaalida iyo maleeyshiyaadka Oromada oo isku haya gacan ku heynta magaalada.

Dagaalka socday sadexdii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 21 ruux iyo 61 kale oo dhawaac garaay. Colaada Mooyaale ayaa waxaa dhanka kale ku barakacay kumanaan ruux oo ku sugnaa magaalada.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.