Waxaa maanta lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Jigjiga wafti balaadhan oo ka socday Midowga Yurub.

Waftigan ayaa markii ay ka soo dageen garoonka waxay kulan kula yeesheen xafiiskiisa madaxwaynaha Mustafa Cagjar, kulankaasi waxay kaga wada hadleen xaalada barakacayaasha Somalida ee ka soo barakacay gobolka Oromada, xaalada amaanka Moyaale iyo sidii gar’gaar loo gaadhsiin lahaa shacabka Moyaale.

Kulankaaso ka dib waxay waftigani booqdeen xerada Qoloji si ay u soo indha indheeyaan barakacayaasha halkaa ku sugan.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.