Cabdiqaadir Cismaan Maxamuud ‘Hiiroole’ ‘Cabdiqaadir Aroma’ waxa uu ku dhashay magaalada Dusmo reeb, xarunta gobolka Galguduud, ee degaanka Gobollada Dhexe ee bartamaha Soomaaliya. Waxa uu dhashay bartamaha boqolleydii sagaal iyo tobnaad, gugu marka uu ahaa 1953. Hooyadii oo eeddo u eheed danjire Axmad Cabdisalaan waxa ay geeriyootay asaga oo yar, markaa ka dib ayuu u wareegay magaalada Muqdisho, oo uu yimid isaga oo kow iyo toban gu’ jir ah.

Imaatinkiisa Muqdisho ka dib, wuxuu galay loollan adag iyo iskorisnimo nololeed, oo eheed heer ay soo wada mareen badi dadkii xilliyadaa magaalada soo galay, siiba iyagoo da’yar, haddana, aan haysan ama aan dooneyn in ay qof ama qolo kale culays ku noqdaan ama ku dul noolaadaan.

Tabargal iyo qaangaarid ka dib, wuxuu ku dedaalay, i uu naftiisa iskiis wax isu baro, wuxuuna dhigan jiray iskuulka dadka waaweyn (independent learning) Ilaa uu ka gaaray dugsi sare (high school),
oo dhab ahaan uu ka guul keenay.

Ka gadaal wuxuu noqday shaqaale dowladeed, oo waxaa loo qaatay xisaabiyenno uu wakaaladda ganacsiga ummadda ‘INJI’, ka shaqaynayey muddo ku dhow 20 gu’, heer uu agaasimaha waaxda ganacsiga dibadda ka noqday. Marka laga soo tago Muqdisho, waxa uu ka soo shaqeeyey gobollada Bakool iyo Sanaag.

1980 -1985 ayuu mar kale aqoon kororsi dib ugu laabtay, oo dhab ahaan markan heer fiican ka gaaray, kadibna wuxuu ka ruqsaystay shaqaalenimadii dawladeed, oo wuxuu dhammaadkii siddeetamaadkii galay ganacsi, isaga oo agagaarka Shabeelle ka furtay xafiis, isaga oo noqday qandaraasle.

Sida uu noo sheegay, ururinta aqoon dhaqameedka bulsho ee Soomaalida wuxuu billaabay horraantii siddeetameeyadii, oo caddayn ku filan ah sida uu u dhiifoonaa, una dhug dheeraa, maxaa yeelay, baraarugga garasho ee galay, waxaa toos tilmaamo tusmooyinta isaga oo ah laga dheehanayaa buugaagtiisa aan kala dhicin, ee uu faafiyey kan u horreeyey dhawr iyo toban gu’ ka dib.

1990 dawladdii markii ay dhacday, ayuu wuxuu tagay London iyo Washington, muddo kooban ka dib oo uu joogeyna, wuxuu gadaal ugu laabtay Soomaaliya.

Cabduqaadir ‘Aroma’ wuxuu ahaa qof tawaaduc badan, dadkiisa ku dhexjira, gacan furan oo deeqin badan, waxsiintana aan ku xirin aqoon ama ehelnimo. Wuxuu ahaa RUN socoto, oon reedmar lagu aqoon.

Cabdiqaadir ‘Aroma’ qoraalladiisii u horreeyey waxay shaac baxeen billowgii sagaashamaadkii, oo bulshadii kala irdhowday, dadkiina kala dhantaalmeen, qof dhigaal u jeedana uuba iska yaraa. Qoraallada ugu xiisaha badnaa ee bulshadu ku baratay waxaa kow ka ahaa sheekooyinkii caanka noqday, ee uu ku faafin jiray Wargeyska Xog-ogaal, oo Muqdisho ka soo bixi jiray, ayna ka midka ahaayeen:

• Salaamullaahi Calal Xujaaj: sheeko taxane ahayd – War¬geyska Xog-Ogaal
• Ilmo Dahabo Toolmoon
• Xaaji Dhagaxkariye: sheeko taxane ahayd
• Salaamullaahi calal Xajaaj!
• Beesha Toban Kunley: sheeko taxane ahayd – Wargeyska Xog-Ogaal

Sheekooyinku intan way ka badnaayeen, waxaana dheeraa qormooyin iyo faalloyin kale, uu dhanka kalana uga faalloon jiray hadba heerka siyaasadeed, dhaqan dhaqaale iyo bulsho ee la galo, oo laga wada dheehan karo indheergaradnimadiisa fog weliba fiirodheerka leh.

Dhanka kale, Cabdiqaadir ‘Aroma’ waxa uu qoray buugaagta kala ah:

1. Sababihii Burburka Soomaaliya (1999)
2. Sooyaalka Soomaaliya (1999)
3. Tiirka Colaadda (2002)
4. Hadimadii Gumeysiga iyo Halgankii Ummadda (2005)
5. Taangiga Tigreega (2008)

Waxaa jira buug uu qaybyo uga tagay, oo runtii aad u jeclaa, oo la yiraa: ‘Al amru bil macruuf wanahyu canin munkar’ oo sawirro iyo murtiyo kookooban isugu jiray.

Sida aan soo xusnay, Cabduqaadir ‘Aroma’ wuxuu qoraalka iyo aruurintiisa billaabay sideetameeyadii, oo wuxuu waqti badan geliyey, uruurinta iyo raadraaca Sooyaalka Umadda Soomaaliyeed dhinac walba; isir, dhaqan, hidde, siyaasad, sooyaal, iyo diin, wuxuuna dhabbagal badan ka dib qoraalka billaabay sagaashameeyadii.

Sida ku cad buugta uu qorey iyo sheekooyinkiisa wuxuu sameeyey, raadraac dal iyo dibadba ah, waxay Umadda Soomaaliyeed tahay, ahayd iyo halkay taagan tahayba. Sheeko curinta iyo qoraallo hummaaggeedka marka laga soo tago, sooyaal kasta ee uu wariyo iyo dhacdo walba ee uu sheego wuxuu u keenayey marag qoran iyo magac qofeed, oo aan malo iyo meehannow geli karin, maxaa yeelay, qoraa sooyaal siyaasadeed wax ka qoraya, ee aan xigasho lahayni waa cunto cusbo la’aan ah: dhadhan ma lahan!

Xigashada marageed iyo tireynta keyd ee uu soo qaato, si uu u xoojiyo aragtiyihiisa ugubka ku ahaa, malahana weli ku yar, waxaa u dheeraa dhaqan qofeed oo dhab ahaan dadka maanta aanba lagu arag, malahana markaa gabaabsi ahaa, oo ah; hal-adayg, baqdin la’aan, geesinnimo, dhiirranaan iyo hadal la baqid la’aan. Dad badan oo qalbi dhagax ah ama hadal adag waa badan yihiine, wuxuu haddana keli la sii ahaa; indheergaradnimada iyo aragtidiisa fogaan arag, oo garaadka iyo garashada ku guntan, oo maanta dadka ka guurtay, oo loo wada batay gorof iyo garooc guddoon ama qoraal ku jira.

Qodobka kale, ee hubaal Cabduqaadir ‘Aroma’ loo wada qirsan yahay waa WADDANIYADDIISA uu dhagar walba oo sokeeye ama shisheeye dalkan iyo dadkan u maleego ama la maaggan yahay uu bannaanka keeni jiray, isaga oo si gaar ah, isha ku hayn jiray, fartana u fiiqi jiray damaca Xabashida, ooba hadda loo wada yaqaan; Walaaleheen Itoobiya!

Koofaarta uu la baxay markii hore waxay eheed ‘Oromo’ oo magac ahaan ah; magaca qawmiyadda Oromada, isaga oo muujinaya isu dhawaanta iyo wada dhalashada naga dhexeysa, kuna nacaynaya Xabashida qawmiyadaheeda kale.

Sida uu caddeeyey Cabduqaadir, ka dib markii uu arkay, in Oromadii uu soo dhaweysanayey, ayba qayb ka noqdeen dhibaateynta Soomaalida, siiba dilka iyo qaarijinta saraakiisha aqoonta iyo ciidanka, ayuu wuxuu iska baddalay naynaastii eheed ‘Oromo’ oo wuxuu ka dhigtay ‘Aroma’ oo is la halbeeggii ah, wax weynna aan uga baddalnayn kii hore xagga tirada shibbane iyo ekaanta qaab, ujeedkusana yahay udug; geed ama caraf.

Wixii uu dadka soomaaliyeed uga digay oo dhan maanta waa duljoognaa, oo qoqobku kow ka yahay, goobeynta dalkuna labo u tahay, ayna saddaxayso madax u adeegta danaha Xabashida keliya, ee aan lahayn go’aan kale, oo dhab ahaan kuu muujinaysa, sida uu dadka uga horreeyey, siiba aqoonyahankeenna uu hormuud ugu yahay.

Wuxuu nooga tagay dhaxal ma guuraan ah, oo aan sina ku tirmayn. Markaa, anaga danteennu waa in aan waanadiisii iyo dardaarannadiisii oo ay wehliyaan digniinihii aan dhaqangelino, isagana waxaa u maamuus ah, in talooyinkiisii taabbagaleen.

Cabdulqadir magaalada London ee dalka UK oo ahayd Addresskiisa labaad marka laga yimaado Muqisho, Wuxuu ka aasaasay Charity uu ugu magacdaray GARGAAR TRUST kaasi oo lagu wacyigelinayey dhalinyarada Ingoriiska ku saaqidey oo drugs-ka iyo isdilku ku batay, waxa kale oo uu ugu talagalay inuu ugu kaalmeyo danyarta Soomaaliya ku nool, Charity-gaas oo weli shaqeeya.

Naf walba maalinteed ayey go’aysaa, goorteedana galin kama daba marto, oo waa la wada geeriyoonayaa, haddana, la ye; “Geeridu, Geeljire iyo waxay ku roon tahay qof aadan garaneyn” Qoraa sare C/qaadir ‘Aroma’ Alle ha u naxariistee waxa uu ku geeriyoodey carriga Ingiriiska gaar ahaan caasimadda London 16/07/2014, qalliin beerka looga sameeyey ka dib, oo uu muddo la xanuunsanaa. Ifka wuxuu uga tagay hal xaas iyo 13 ubad ah.

Run ahaantii geeridiisu waxay ahayd NAXDIN, umaddeenana u eheed nuxuus iyo nal ifkii baqtiyey, qorrax dhacday, gabbal dumay iyo dayax damay. Allow naxariistaada iyo jannaadaada ugu deeq. Aamiin.

Ilaahoow casiisow
Adaan kuu cataaboo
Kuu cabanayaa keli
Casar waaye goortuye
Waa ayaamo caamiyo
Casharrada dhaxaysee
Bisheennii cuddooneey
Ramadaanul caafiya
Cabdiqaadir Eebboow
Aqbal camalka kiisa ah
Cafi qalad hadduu galay
Jannadaada ku casuun
Nabiyadii carfoonaa
Casiisow darkoodii
Iyo xawdka ka cabsii
Ceelashii Fardawsiyo
Wabiyadii cagaarnaa
Rabbiyoow Casiisoow”

Qaybo ka mid ah aragtida qormadu waxay ku soo baxday wargeyska Gobollada Dhexe tirsigii bishii agoosto, 2014.

Fiidnimada qamiista, ha moogaan barnaamijka Aqoon iyo Ogaal ee xarunta dhaqanka iyo suugaanta Shuuriye ku xusuusan doonto indheergarad Cabdiqaadir ‘Aroma’.