Waxaa wayahan ka taagnayd xiisad isku dhaca deg-wardheer ee xarunta gobolka Dollo halkas oo ay ka dhaceen rabshado.

Rabshadahan oo markii danbe isu badalay gacankacadal ayaa waxay salka ku haysa maamulka gobolka Dollo ee wakiilka ka ah xisbiga (EPP) kuwaas oo u cadaalad samayn dadka shacabka ah ee wada daga gobolka.

Kadib markay ka biyo diideen dadka shacabka ah hogaanka u sareeyay maamulka gobolka Dollo waa gudoomiyaha gobolka dollo mudane Cabdinaasir oo ah xubnihii ka soo hadhay xukuumadii jariimada u gaysatay shacabka.

Shacabka oo ku eedaynya gudoomiya inu yahay heegadii xukumadii hore xaqna u lahayn inuu joogo kursiga.

Hadaba gudoomiyaha gobolka oo adeegsanaya he’yadaha aminiga iyo ciidanka milatariga Itoobiya ee ku sugan gobolka Dollo ayaa bantow ku soo rogay guud ahaan baa xafadaha magalada Wardheer.

Sido kale waxaa xabsiga laa dhigay gudoomiyihii xafiiska jabhada ee gobolka Dollo mudane Maxamed Bacaluul oo ku magac dheer Gashaan
asago laga kaxaystay xafiiskiisa laguna xidhay isteeshinka booliska deg-wardheer.

Halkaas oo wali ku xidhanyahay xadhiga gudoomiyaha ayaa waxaa ka danbeeyay oo amar ku bixiyay gudomiyaha gobolka ee EPP asago booliska ku amray inay gudaha dhigeen.

Lama garanayo sababta ka danbaysa xadhiga gudoomiyaha lakin mahan markii ugu horaysay ee laa xidhxidho xubnaha JWXO ee gobolka lakiin waxay cadaysteen xadhiga xubnaha JWXO maamulka gobolka Doolo.

Asago mar walba dhibaatooyin badan ay ku sameeyan maamulka gobolka Dollo xubnaha jwxo sida ka hor istaag shaqo dajinta calanka iyo xadhig loo gaysto.

Amarka lagu waxyeeleyo marwalba xubnaha ururka ONLF waxaa ka danbeeya oo amarkooda bixiya gudoomiyaha gobolka Dollo mudane abdinaasir oo cadaystay handadada xafiisyada iyo xubnaha ururka ONLF.

Sidaa darteed waxaa maalintii labaad ku jira xabsiga gudoomiyiihii gobolka dollo ee ururka ONLF wixii warar ah ee ka soo kordha xisada gobolka dollo kala soco Halgan Media.

Shafi Dulane Halgan Media wardheer