Bayaan kasoo baxay Isbahaysiga FFP oo ka kooban shan curur oo mucaarad ah ayaa hayaada sirdoona ee qaranka Soomaaliya sii caad ku eedayayn inay xariir la leyihiin argagxiisada Al Shabaab

Eedeymahan loo jeediyay hayaada sirdoonka ee NISA ayaa imaanaya kadib markii ay qaybaha kala duwaan ee bulshada ay mujiyeen shakiga ay ka qaban NISA

Hoos ka Akhriso qodoobada ay Isbahaysiga Mucaaradka oo ku xariira ariimaha aan kor ku shacinay.

  1. In baaritaan madax bannaan oo deg deg ah lagu sameeyo weerarkii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.
  2. Xogaha la isla dhexmarayo baraha bulshada ee ku aaddan wadasheekaysiga taliyaasha labada aag ee Hay’adda (NISA) iyo Al-shabaab in lagu sameeyo baaritaan madaxbanaan oo dhamaystiran, si xaqiiqada jirta Ummadda loogu soo bandhigo.
  3. In warbaahinta iyo baraha bulshada ee rasmiga ah ee Hay’adda (NISA) aan loo isticmaalin meel lagu fushado dano gaar ah laguna marin habaabiyo ra’yiga Shacabka, isla markaana lagu buunbuuniyo xubno katirsan Al-shabaab iyadoo laga leeyahay dano khaas ah.
  4. In hoggaanka Hay’adda (NISA) laga fogeeyo siyaasiyiinta leh ujeeddooyin siyaasadeed loona dhiibo farsamo yaqaanno ku xeel dheer sirdoonka iyo amniga Qaranka.
  5. Madashu waxay aad uga xuntahay in ciidamadii iyo saraakiishii Hay’adda (NISA) ee u carbisnaa nabadsugidda iyo sirdoonka laga sifeeyay Hey’adda, hoggaankeediina gacanta loo geliyay shaqsiyaad leh ujeeddooyin siyaasadeed taas oo keentay in Hay’addu ay ka habowdo shaqadeedi

Shabakada Halgan Media.