Garoonka Balidogle oo ku yaalo gobolka Shabellaha Hoose ayaa ah garoonka ugu weyn Soomaaliya, waxaana lagu Qiyaasa in uu gaarayo baaxadiisa ku dhawaad sedax iyo bar (3.5) kilomitir, wuxuuna 7-dii sano ee udambeysay hooy uu ahayd ciidamada Mareykanka.

Balidogle oo 90 kilomitir u jirto caasimada Muqdisho, ayaa ah xarunta ugu weyn ay ciidamada Mareykanka ku leyihiin Soomaaliya, iyadoo garoonka Balidogle uu yahay halka ay mar walba kasoo duulaan diyaaradaha aan Duliyaha laheyn ee loo yaqaano “Drones” taaso mar walba duqeyso degaanada ay ka arimiyan Al Shabaab, taas oo keentay in ay dad badan oo shacab ah ku nafwayaan duqeymaha ay sameyan diyaaradahan mar walba.

Sida la ogyahay ciidamada Mareykanka ayaa gebi ahaanba ka baxayo Soomaaliya tadoobadyada soo socdo, taas oo sameeyn weyn ku yellan doonta amaanka Soomaaliya, waxeyna ciidamada Mareykanka ka guuri doonan garoonka Balidogle, hase yeeshe su’aasha taagan waxa ay tahay yaa la wareegi doono Balidogle marki ay ciidamada Mareykanka ka baxaan dalka ?

Xog hoose oo ay heshay Halgan Media ayaa sheegaysa in shirkado calool u shaqeystayasha la yiraahdo Bancroft Global oo laga leyahay dalka Mareykanka ay la wareegi doonto Garoonka Balidogle.

Bancroft Global waa shirkad u qabilsan calool u shaqeystayasha ka howlgallo wadama badan oo ay kamid tahay Soomaaliya, waxeyna Bancroft bilaaben in ay ka howlgalaan Soomaaliya 2011kii.

Bancroft ayaa lacag ku qaadato tababarada ay siiyaan maleeyshiyaadka Danab, iyadoo marar badana ay dhacdo in ay ka qayb qaatan dulaanka xiliyada habeenkii ah ee lagu qaado degaanada ay ka arimiyaan Al Shabaab iyagoo kaso boodayo Helikopter, kadibna dagaal fool ka fool ah la galo dagaalamayasha Al Shabaab.

Shirkada Bancroft Global oo ah koox ka lacagaysato dhiiga shacabka Soomaaliyeed ayaa hada gebi ahaanba lawareegi doonto ciidamada Danab iyo howlgalladii ay ciidamada Mareykanka ka fulin jireen Soomaaliya, markii laga reebo duqeymaha.

Halgan Media.