Ciidamada kala duwan ee Mamuulka Puntland ayaa Maanta waxaa ay howlgal culus ka wadaan  Xaafadaha kala duwan ee ku yaal Waqooyiga Magaaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Howlgalka oo laamaha Amniga Puntland ay ku wehlinayeaan kuwa hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa waxaa ay ku baarayaan Guryaha ku yaal Koonfurta Gaalkacyo iyo Dadweynaha wadooyinka maraya qaarkood.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ay sidoo kale baaritaan ku sameeynayaan Gaadiidka yar yar ee nooca raaxada ah gaar ahaan kuwa laga shakiyo.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay ku qabqabteen dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo la geeyay Saldhiga Booliska Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo walow badankood la siidaayay.

Howlgalkaan oo amni xaqiijin ah ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Koonfurta Gaalkacyo uu ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa oo lagu dilay Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Halgan Media