Wararka laga helayo koomfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn [Drone], oo ay leeyihiin militeriga Mareykanka ayaa weerar duqeyn ah ka fulisay degmada Kunyo-Barow ee gobolka Shabellaha Hoose.
Diyaraadaha Mareykanka ayaa duqeyn xoogan ka fuliyay degmada Kunyo-Barow ee gobolka Shabellaha Hoose, wuxuna gantaalo kuso tureen xaruunta Radio Al Furqan oo ah idacaada ku hadasho afka Al Shabaab, sida ay sheegen Ilo wareedyo aad lagu kalsoonan karo.
Sidoo kale ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi diyaaradeed. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Taliska AFRICOM ama Xarakada Al Shabaab oo ku aadan weerarkaasi.
Halgan Media.