Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Madaxtooyada hore ee Soomaaliya oo ku dhow isgoyska KM4, waxaana qaraxa jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolka banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa lala eegtay gaari uu la socday Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Gen, Cabaas oo marayay meel aan ka fogeen schoolka Hoyga Xamar ee Degmadda Hodan, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday Saddex Ruux oo laba kamid ah ay ahaayeen askar halka laba qof Shacab oo ahaa wadayaasha Mootoyinka Bajaajta ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxa kadib Ciidamada ay fureen rasaas farabadan, taas oo aan weli la xaqijin khasaaraha kasoo gaaray dadka Shacabka ah ee goobta marayay.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo xiray wadada soo gasha Goobta uu qaraxa ka dhacay, una diiday inay dadka iyo Gaadiidka isticmaalaan.

Goobta uu Maanta qaraxa ka dhacay ayaa waxaa dhowr jeer sidaan oo kale lagu qarxiyay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana dadka lagu weeraray kamid ah Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Halgan Media.