Wararka laga helayo Koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in beesha Qubeys ee hoos tagto belweynta Dir, kuna nool degmada Bacaadweyn ee gobolkaasi ayaa heshiis rasmi ah la gashay Xarakada Al Shabaab sida ay sheegen qaar kamid ah odayaaysha kasoo jeedo beesha oo la hadlay warbahinta Halgan Media.

Xalay markey sacadu ahayd afar sac iyo bar habeenimo (22:30) ayey ciidamada xogga dalka qaybta 21aad gebi ahaanba ka baxen degmada Bacaadweyn kadib markii ay saraakisha xogga dalka ka war heleen in maamulka iyo odayaasha Reer Bacaadweyn ay heshiis la galeen Xarakada Al Shabaab.

Wuxuu xaalka kasii daray, markii ay soo ifbaxday in ay xubno katirsan Al Shabaab ay si dhuumaaleysi ah ay gudaha u soo galen degaanka Bacaadweyn, iyagoo garab ka helayo maamulka degaanka, taas oo keentay in ay kaxumadaan saraakisha hogamineyso ciidamada dowlada, kadibna ay go’aamiyen in iyaga iyo Ciidamadooda gebi ahanba ka baxan degmada Bacaadweyn.

Ciidamada dowlada markii ay xalay ka baxeen degmada Bacaadweyn waxay ku hoydeen degaanka Bajeela oo isla gobolka Mudug ah sida aan xogta ku helnay.

Heshiishka dhex maray odayaasha beesha Qubeys iyo Al Shabaab ayaa ah mid lagu tilmaami karo khiyaano waayo waxa lagu heshiyay in ay ururka Al Shabaab gebi ahaanba la wareegaan degmada Bacaadweyn, kadibna ay Al Shabaab joojin doonto dhibaatada iyo dulaanka ay ku heyso dadka ku abtirsada beesha Qubeys, kuna nool degmada Bacaadweyn iyo hareeraheda.

10kii bil ee ugu dambeysay Al Shabaab ayaa dagaal joogta ah ku haysay degmada Bacaadweyn iyagoo dil iyo dhac marwalba u geysan jirtay shacabka ku nool Bacaadweyn iyo dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool aagagaarka Bacaadweyn, taas oo keentay in ay dad badan ku shahiidaan dagaalka ay kula jireen Al Shabaab.

Heeshiska dhex maray odayaasha beesha Qubeys Iyo Al Shabaab waa mid lagu xaasiday qoysaska ay ka tageen dadka degaanka oo ku shahideen halganka ka dhanka ah Al Shabaab ay wadeen dhalinyarada, macaaliminta, iyo bulsha weynta ku abtirsata beesha Qubeys.

Halgan Media