Waxaa socdaal Magalada Gaalkacyo ku yimid Madaxweynaha Galmudug Mudane Ahmed Abdi kaariye Qoorqoor, ayadoo labo xaalad ka jirto Magaalada mida 1aad Baarista kiiska Sheikh ali dheere oo fashil qarka u saaran iyo Duulaanka Kooxda Argagaxisada ah ee Alshabaab Bariga Gobolka mudug halkaas oo dad ka badan 30qof ku dileen.

Dib aan idin celiyo si aad u fahantaan sirta socdaalka, bishii Jun 2020 waxa socdaal maalmo qatay ku maray deegaanada iyo dagmooyinka bariga Gobolka Mudug, madaxweyne Qoorqoor, bulsho iskugu jirta dhalinyaro, haween, odayaal iyo culumo ayuu kulan la qatay intii socdaalka uu ku jiray waxa la isku afgartay in dowlada Qoorqoor la garab istaago si looga guuleysto Cadowga Argagaxisada ah ee Al-Shabaab ayadoo hoosta laga xariiqay si buuxda hubkii beesha dhexe ee Mudug in gacanta Qoorqoor la galiyo si duulaanka alshabaab uga qayb galaan safarku wuxu kuso dhamaday sidu rabay Qoorqoor.

26.9.2020 waxa magalada Cadaado tagay Madaxweyne Qoorqoor, wuxuna beeshiisa u bandhigay qorshaha uu wado islamarkana la qaateen Beesha Dhexe ee Mudug qorshahaas oo ah duulaan Al-Shabaab lagu qaado, reer Cadaado inay qataan qaybtooda hase yeeshee waa laga diiday waxana hadalka logu so koobay inu jiro heshiis labada dhinac xiligana suurto gal ahayn in la burburiyo heshiiskas, wuxu ahaa hadal qaraar waase aqbalay Qoorqoor, natiijo la’aan ayuu ku dhamaday kulankas

Kooxda Argagaxisada ee Al-Shabaab waxay heleen xogta ah in duulaan lagu soo yahay, ayagoo taas ka jawabaya 19.12. 2020 waxay Gaalkacyo qarax ku dileen Sadex Sargaal oo hugaamin lahaa duulaanka kuwas oo kala ahaa AUN Gen Abdiaziiz qooje Gen Muqtaar Iyo Marsho, intas kadib bishii janaayo ee sanadkan bilawgiisa waxay bilabeen Al-Shabaab duulaan rasmi ah bariga Gobolka Mudug, degmad Bacadweyne iyo deegaanada ku hareeraysan ayu ka bilawday duulaanka waxay bartilmameed ka dhigteen Xerada Ciidanka ee Bacadweyne, weeraro is dabo joog oo gaadmo ah kadib waxa meesha ka guuray ciidankii.

Guuritaanka ciidanka ayaa yimid kadib saameen ka dhalatay saraakiishii Gaalkacyo lagu dilay, shakiga ciidamada kala duwan soo kala dhex galay wada shaqeyn la’aan, ugu danbeyn bishii April ee sanadkan waxa si buuxda gacanta Al-Shabaab u galay Dagmada Bacadweyne, deegaanada Shabelow iyo Cimaamad waxa heshiis Al-Shabaab la galay beesha Bacadweyne heshiiskas oo yimid kadib awood loo sheegtay beeshaasi.

La soco Qaybta 2aad: waxan kuso bandhigi dona kulankii 14ka bishii May ee sanadkan ka dhacay mar kale Cadaado, qorshihii duulaan ee kooxda Al-Shabaab bariga Mudug,  weerarkii Wisil iyo socdaalka ugu danbeyn Gaalkacyo ku yimid Qoorqoor.

W/Q : Siciid Xogolof