Mahad Karate oo ah Emiir ku xigeenka ururka hubeysan ee Xarakada Al-Shabaab ayaa wareysiga ugu horeeyey la yeeshay warbaahin caalamka isago iftiimiyay wax badan oo ku sabsan Xarakada Al-Shabaab.

Mahad Karate oo la hadlay Channel-4 News oo laga leeyahay dalka Ingriska ayaa sheegay in aysan dowlada dhexe ee Soomaaliya u aqoonsaneyn in ay tahay dowlada rasmi balse ay tahay mid ay ku shaqeeysato Gaalada oo dalka kuso dushay, mar u wariye Jamal Cusman weydiyay Mahad Karate rajada laga qabo in ay Xarakada wada hadal la gasho Dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale, Mahad Karate ayaa sheegay in ay Xarakada Al-Shabaab isku diyaarinayaan in ay Soomaaliya oo dhan qabsadan markii ay ciidamada Shisheeyaha gebi ahaanba ka baxan dalka gaba gabada 2024ka.

Dowlada Dhexe ee Soomaaliya weli kama aysan hadlin wareysiga cusub ee Mahad Karate, waxayna u muuqaato in aysan xukuumada Xasan Sheekh heysanin qorsho lagu hor tagi karo Xarakada Al-Shabaab.

Halgan Media