Warar gor dhow naga soo gaadhay Gobalada Dhexe ayaa sheegaya in dagaalo aad u xoogan hadda ka socdo aaga tuulada Balle oo katirsan gobolka Galgaduud.

Dagaaladan oo shalay bilaabay ayaa maalinta labaad socdo, una dhaxeeyo labo beelo oo walaalo ah oo ka soo kala jeedo Cadaado iyo Dhuusamareeb, waxaana la sheegay in uu hubka nucyadiisa kala duwan loo adeegsanaayo dagaalka.

Weli ma cada khasaaraha ka dhashay dagaalka, mana jirto cid dhex gashay labada dhinac oo dagaalamayso.

Maamulka fashilmay oo hogaminayo Axmed Qoor Qoor, weli kama hadlin dagaalka beeleedyo soo noq noqonayo oo ka socda Gobalada Dhexe, isago iska Indha tirayo dhiga daadanayo. 

Halgan Media