Ciidamada amaanka u qaabilsan degmada Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa howlgal ku qabtay Jeylani Aaden oo ah Dilaagi ku eedeysan dilka illaah ha u naxariisto Hibo Qaasim Maxamed.

Habeen hore ayey ahayd markii Hibo Qaasim Maxamed toorey lagu dilay, laguna dhacay telefonkeeda, xili ay suuqa kasoo labaneysay iyadoo u adeeg doontay ehilkeeda.

Hibo waxay kamid ahayd ardayda ku baastay imitixaanka, waxaana isla maalinta imitixaanka ay ku guuleysatay, laguna dilay degmada Ceelasha Biyaha.

Dilka Hibo Maxamed wuxuu ahaa mid ay aad uga naxeen bulshada Soomaaliyeed, aniga oo ag in ay ahayd gabar mustaqbal leh oo indhaha u aheyd ehilkeeda, balse nafta laga qaaday Telefon dartis.

Halgan Media