Wararka inaga soo gadhaaya dalka Ogadenia waxay sheegay in wakiilka gumeysiga Cabdi Iley uu xilka iska casilay. Waxaa wakiilka gumeysiga loo magacaabay Axmed Cabdi Sheikh Maxamed.

Wasiirka warfaafinta mamuul kusheega gumeysiga uu adeego ayaa xaqiijiyay in Cabdi Iley uu xilka iska casilay. Iscasilaadda Cabdi Iley ayaa ka dambeysay kaddib markii ciidamada gumeysiga itoobiya kuso dulaay magaalada Jigjiga iyo deeganno ka tirsan Ogadenia.

Waxaana la rumaysan yahay in Cabdi Iley ay cadaadis ku saartay dowladda dhexe inuu xilka iska casilo. Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.