Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo ka dhacay Sanja oo katirsan gobolka Gondar ee Ismaamulka Axmaraada.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa mid Gaari lagu soo xiray, kaas oo ka dhacay agagaarka isgooysja Garmuk

Sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah waxa qaraxaasi ku dhaawacmay 1 Qof oo ahaa Darwalkii waday Gaarigaasi, lamana illaa iyo hadda waxa uu ahaa shaqsigaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu ka badbaaday qof kale oo la socday Gaarigaasi.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha laamaha amniga oo ku saabsan qaraxaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.