Ciidamo katirsan kuwa milatariga Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in ay ku qulqulayaan gudaha magalaada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, dalka Soomaaliya.

Waxaana la sheegay in Ciidamadan fariisimo cusub ay ka sameyteen qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo xarunta gobolka Bay. Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Ciidamadasi ay ka soo ruqaansadeen saldhigyo ay ku lahaayeen deegaano ka tirsan gobolka Bakool ee Konfurta Soomaaliya.

Warar hoose oo ay heleyso Halgan Media ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya lagu wareejiyay ammaanka magaalada Baydhabo inta ay socoto doorashada maamulka Konfuur Galbeed.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.