Warbixin ka soo baxday dowlada Kenya ayaa lagu sheegay xilliga rasimiga ah ee Ciidamadeeda kala baxayso gudaha Soomaaliya.

Warbixintan ayaa lagu shaaciyay in ka bixitaanka Ciidamada Kenya oo xog ku joogo Soomaaliya in ay bilaaban doonto bisha Lulyo sanadka soo socda ee 2019-ka. Dowladda Kenya ayaa sidoo kale warbixintani kaga dalbatay Qaramada Midoobay in ay maghdow ka siiso sanadkan ciidamadii looga dilay guud ahaan Soomaaliya.

Dawlada Kenya waxaay sheegtan inuu 4,000 ciidan uu joogo gudaha Soomaaliya.  Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka AMISOM, kuwaasi oo guud ahaan la qorshaynayo in ay dalka ka baxaan sanadka 2020-ka.

Ciidamada Kenya ayaa sii sharci darro kusoo duleen Soomaaliya sanadkii 2011-kii, iyadoona tan iyo xilligaasi ay geysteen tacadiyo ay ka mid yihiin Afduubasho dad shacab ah, duqeyn iyo burburinta xarumo ganacsi oo ku yaallay deegaanada katirsan gobolada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo gobolka Gedo.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.