Dableey ayaa waxay hoobiyeyaal ku soo rideen xaruun diblomaasiyadeed oo ku taalla bartamaha caasimada Afqaanistan ee Kabul iyada oo xiliiga weerarka uu dhacayey madaxweynaha dalkaasi uu farriin Iidda ku saabsan uu muslimiinta u gudbinayey.
Madaxweyne Ashraf Ghani wuxuu si toos ah uu hambalyada Ciidal-Adxa uu ka tabinayey telefishiinka xilliga la maqlay qaraxyada hoobiyeyaasha oo ku dhacay meel ku dhaw madaxtooyada dalka.
Weerarka kaddib diyaaradaha Helikoobtarka ayaa dhismaha uu hoobiyaha ka soo dhacay weerar ku qaaday iyada oo la aaminsanaa iney gabbaad ka dhigteen dableey hubeysan. Ciidamada ammaanka oo marki dambe si buuxda gacanta ugu dhigay dhismihi ay ku tuhmayeen in hoobiyeyaashaasi laga soo tuuray, haddana waxaan weli caddeyn cidda hoobiyaha soo tuurtay iyo inta qof oo soo tuurtay intaba.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.