Wararka nagasoo gadhay dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in laamaha ammaanka ee mamuulka Hargeysa garoonka diyaaradaha ku qabteen Laba Wasiir oo ka tirsanaa mamuul kusheega Jigjiga oo hoggamiy jiray wakiilka gumeysiga Cabdi Iley.
Sarkaal ka tirsan Wasaaradda arrimaha gudaha mamuulka Somaliland ee xaruuntooda kutaalo Waqooyiga Soomaaliya wuxuu sheegay in la qabtay wasiirkii hore ee Waxbarashada Ibraahim Aadan Mahad oo ku magac dheer (Ibraahim Sacab) iyo Wasiirkii Caddaaladda Cabdi Jamaal Axmed Qaloonbi.
Masuuliyiintan oo maalinkii loowaad ee Ciidul Adxaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ayaa si dhuumaleysi ah Hargeysa waxa ay ka galeen xaduudka Ogadenia iyo Waqooyiga Soomaaliya gar ahaan degmada Wajaale, waxayna Hargeysa ku sugnaayeen mudo todobaad ah. Mamuulka Hargeysa ayaa sheegtay in ay si dhuumasho ah ku soo galeen, isla markaasna ay rabeen in ay garoonka uga duulaan si dhuumasho ah.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.