Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in mid ka mid ah dekadaha dalkaas ay ku xayiran yihiin badeecooyin ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed.

Ganacsatadaas oo ah kuwa ku dhex Ganacsada dalka Kenya ayaa mudo Saddex bilood ku dhow waxaa ka xayiran 748 kunteenar oo Saliid ah,sida uu sheegay Cali Xasan oo ka mid ah Ganacsatada badeecadaas iskaleh.

Waxa uu sheegay in Saliidaas ay ka keeneen dalka Maleysia,isla markaana mudo 12 Sano ah ay ka Ganacsanayeen,hayeeshee dowladda Kenya si ulakac ah ay uga xayirtay Hantidooda.

Waxa uu u sababeeyey in dowladda Kenya ay xayirto Badeecadahaas in qeyb ka mid ah ay Canshuurtii ka dhiibeen qaarna ay weli ku dhiman tahay halka dowladda Kenya ay dooneyso in Saliida Gudaha Kenya lagu sameeyo la isticmaalo balse iyagu aysan rabin.

Dowladda Kenya weli wax jawaab ah kama bixin cabashadaan ka soo yeertay qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyed ee ku nool dalkaasi Kenya.