Wararka nagasoo gaadhaya magalaada Moyale ee xadka Ogadenia iyo Oromiya ayaa sheegaya in shalay halkaasi uu kadhacay dagaal udhexeeya labada qoomiyadood ee Soomaalida iyo Oromada.

Dagaalkan ayaa dhaliyay khaasare nafeed iyo mid hantiyeed oo soogadhay labada shacab ee magalaada wada dagan. Dhimashada ayaa maraysa 26 ruux, halka dhaawucu gaadhayo 30 qof.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.