War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda Nabad Sugida iyo Sidrdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee ( NISA) oo lagu daabacay  barta Twitterka hay’adda ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka garoonka Muqdisho ay  gacanta ku dhigeen Shabakad ka shaqeysa lacag dhaqidda iyo sameynta doollar been abuur ah.

Hay’adaha ayaa waxaa ay shaaca ka qaaday in labo ruux lagu qabtay Shabakadda lacagta dhaqda , islamarkaana NISA waxaa ay sheegtay in kuwo kalana lagu daba jiro, Waxaa uuna howlgalkan ka dhacay Gudaha garoonka Diyaaradaha Mqdisho ee Aadan Cadde.

“Ciidamada amaanka garoonka Adan Cade ee Muqdisho, waxay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-danbiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba kamid ah shabakadaas, kuwa kalana waa lagu dabajiraa,”.

Hay’adda Nabadsugidda ayaa sheegtay in shabakaddaas uu howlaha u sahlay mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ,waxana galka baarista ee shabakadda loo gudbiyay hay’adaha sharciga.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.