Wararka nagasoo gaadhaya gudaha Ogadenia gaar ahaan dagmada Tuuliguleed ee gobolka Faafan ayaa waxay sheegaya in Maleeshiyaad hubaysan oo Oromo ah ay weeraro ku hayaan dad shacab soomaaliyeed ah oo ku dhaqan qabalaha udhow degmada Tuuliguleed.

Maleeyshiyaadka Oromada iyo shacabkooda iskashaanaya ayaa hal mar weerar culus kuso qadaay qabalaha loo yaqaan Koora Elema ee duleedka Tuuliguleed. Dagaalkan waxaa ku dhimataay laba Somali iyo afar kale Somali oo dhawaac garaay.

Idacaada Halgan Media waxaay heshay magacyaada oo dadka dhawaac garaay iyo waxa kamid ah

  • Maxamed Xassan
  • Muxiyadiin Axmed
  • Dayib Shide
  • Axmednaasir Cabdi

Si kastaba ha ahaatee waxaan ilaahay ka baryay inuu kala qaboojiyo dhiiga daadan haya. Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.