Isagoo ka hadlaayey isku soo baxa Montana ayuu Senator Rand Paul oo ka tirsan Senetarada Jamhuuriga ee dalka Mareykanka waxa uu Boqortooyada Sacuudi  Carabiya ku eedeeyay in ay taakuleyso argagixisada caalamka.

Senator Paul ayaa tusaallo usooo qaatay galaangalka xoogan ee Sacuudiga ku leedahay dalka Yemen oo uu sheegay in 15,000 oo ruux ay ku geeriyootay kumanaan kalana ay ku dhaawacmeyn.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Mareykanka France iyo Boqortooyadda Ingriiska ay hub ay ka iibiyaan Sacuudiga hubkaasina ay ku abuuraan dagaallo hor leh oo aan loo baahneyn. Hadalka Senetorka ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Sacuudiga uu yahay saaxiib wanaagsan oo uu Mareykanku leeyahay.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.