Xog hoose oo ay heshay Halgan Media ayaa sheegaysa in beri oo ay tariikhda tahay 20ka biisha August in xilka laga qaadi doono Axmed Barre Sheekh oo ah guddomiyaha degmada Beled Xaawo.

Ilo wareedyo aad lagu kalsoonan karo ayaa xaqijiyay in xilka laga qaadi doono Axmed Barre Sheekh, madama uu guddomiyaha gobolka Gedo Macaalimu damacsan yahay qorsho ku aadan xalaada cakiraan ee ka Tagaan gobolka Gedo.

Waxaa hada degmada Beled Xaawo gaaray masuuliyin ka tirsan mamuulka cusub ee u qabilsan gobolka Gedo ayna so magacawday DF uuna kamid yahay guddomiyaha gobolka Macaalimu iyo Bakaal Kooke oo ah taliyaha xasilinta gobolka Gedo si ay uga qeyb qataan dib uxasilinta deeganka.

Halgan Media.