Kooxo burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay Gudaha dalkaas waxa ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa Shaqo.

Kooxda ayaa ku weerartay muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Abuukar Cilmi Juuni Goob Ganacsi oo uu dhawaan ka Shaqa bilaabay taas oo ku taalla Magaalada Cape Town ee Wadanka koonfur Afrika.

Mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa waxa uu sheegay in muwaadinka la dilay uu dalkaasi ku noolaa mudo 10 Sano ah, hayeeshee Goobta Ganacsi ee lagu dilay uu ka howlgalayay mudo Afar Cisho ah kaliya, isla markaana uu rajeynayay in uu dib ugu soo laabto Soomaaliya.

Kooxa Burcada aheyd ee dilka geysatay ayaa Goobta ka baxsatay,waxaana Meydka Muwaadinka Soomaaliyeed Goobta ka qaaday qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaalida oo deris la ahaa Ninka la dilay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.