Dawlada Germany aya maal galinaysa dib udajin loo samayn rabo 35,000 oo Ciidamada Mucaaradka ah kuwaas oo Ka kala soo jeeda qoomiyado kala duwan kana soo kicitamay dalka Eritrea oo Xaruntooda ahayd.

Ahmed Shide oo ah hoganka cusub ee Dhaqaalaha dawlada Ethiopia, kaas oo uun dalka dib ugu soo laabtay isago safar ku weheliyey Abiy Ahmed oo aaday dalka Germany aya warbaahinta ushegay in Dawlada Germany ay ka caawinayso sidii dib udajin loogu samayn laha mucaarad dhan 35,000.

Hubka in laga dhigo iyo Dib udajinta Ururada mucaradka ee dhawaan uun dalka kuso laabtay aya ah arin ay Dawlada Ethiopia baryahan ba Aad ula daalaa dhacsantahay, Ururadan Mucaaradka aya iyagu ah Kuwa kala fikir iyo ujeedooyin duwan kana soo jeeda Qoomiyadaha kala duwan ee itoobiya daga.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.