Wararka nagasoo gadhaay gudaha Ogadenia gar ahaan gobolka Fafaan ayaa sheegaya inuu dagaal culus sakaay ka qarxay duleedka xerada Qoloji oo dhex maray shacabka Somalida iyo maleeyshiyaadka Oromada.

Dagaalki waxaa bilaabay markii ay maleeyshiyaadka Oromada subaxdii weerareen shacab Somali ah oo aan waxba galabsan lakiin shacbka Somalida waay iska ceeliyeen maleeyshiyaadka Oromada iyo maleeyshiyaadka Oromada waxa laga dilay laba rux iyo waxa dagaalka ku dhawaacmay hal qof oo Somali.

Waxaan dagaalo noocan oo kale ah horay uga dhaceen meelo badan sida Baabili iyo Tuuliguleed oo horay ay maleeyshiyaadka Oromada dad Somali ay ku xasuuqeen.

Dagaalkan ayaa ah mid Oromadu kudoonayso inay dhulka ay Somalida leyihiin inay gacaanta ku dhigaan. Qorshadaan waxa ka dambeeyo ururka OPDO oo xukuuumada gumaysiga itoobiya gacaanta kuhaayo.

Dhamaanba Dhulka laysku haysto dagaaladu ka socdaan ayaa ah Dhul kamida dhulka Soomaalida, waxaana xusid mudan in gumaysiga Itoobiya afti aan waxba kajirin oo been ah in ka badan 400 oo magalo u qabtay sanadii 2004 oo uu 80% maamulka oramada kuwareejiyay magaalooyin dhul ogadeniya ahaa ilaa hadana Oromo gacanta kuhayso dadkii Somalida ahaa ee lahaana lasooqixiyay.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.