Cabdisalam Guled oo ahaa taliye ku xigeenka hore ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka inta u dhaxeeysay 2013ka ila 2017kii ayaa eedeymo lama filaan maanta u jeediyay Mahad Karate oo kamid ah hogaamiyayasha u sareeyo Xarakada Al-Shabaab.

Taliyaha ku xigeenka hore ee NISA ayaa bogga rasmiga ee uu ku leeyahay barta Twitter kuso qoray in uu Mahad Karate si toos ugu lug lahaa dil loo geeystay wiil u dhalay Taliya ku xigeenka hore ee NISA, Cabdisalam Guled oo lagu magacabo Maxamed Cabdullahi oo dadka intiisa badan ay u yaqaanen “Caaqil”.

Sawir : Cabdisalam Guled

Wuxuuna taliye ku xigeenka hore ee NISA isla qoraalkas ku sheegay in uu Mahad Karate ahaa maskaxdii ka dambeeysay qaraxa lagu kharijiyay duqi hore ee magaalada Muqdisho, Cabdiraxman Cumar Cismaan (Yariisow).

Ugu dambeyntii, taliye ku xigeenka hore ee NISA, Cabdisalam Guled ayaa Mahad Karate ku eedeyay in ugu yaraan labo mar uu yimiid Muqdisho sanaadka tagay ee 2021kii, lana kulmay agaasimaha nabad sugida xiligas (Fahad Yasin) sida uu qoraalka u dhigay. 

Hoos waxad ka arki karta qoraalka u Taliye Ku Xigeenka Hore ee NISA, Cabdisalam Guled maanta kuso qoray Twitter ee ku saabsan Mahad Karate.

Waa Kuma Mahad Karate ?

Mahad Karaate waa Amiir ku xigeenka Xarakada Al-Shabaab, waana qofka labaad ee ugu awood badan Al-Shabaab. Sidoo kale waxa Mahad Karate hoos taagto garabka sirdoonka ee Al-Shabaab ee loo yaqaano Amniyaatka.


Sawir : Mahad Karate

Mahad Karate ayaa sido kale ah maskaxdii ka dambeeysay weraro waa weyn oo ay Al-Shabaab ka geeysten gudaha dalka iyo dibadisa, sida weerarkii ismiidaamiinta ahaa ee ka dhacay wadanka Uganda 2010kii, laguna dilay ku dhawad 80 qof iyo wererada ay Al-Shabaab ka geysten Kenya oo ka dhacay West Gate Mall iyo Garissa University, taas oo keentay in khasaaraha ka dhashay labada weerar uu gaaro in ka badan boqolal qof.

Dowlada Mareykanka oo hormuud ka ah waxa ay ku tilmaamto dagaalka ka dhan ah argagaxiiaada (War On Terror) ayaa lacag gaaraysa 5 milyan oo dollar dul dhigtay Mahad Karate balse waa ay ku guuldereysteen in ay qabtan Mahad Karato, taas oo keentay in ay marwalba fashil iyo jab la kulman Mareykanka iyo xogaga qarsoon ee ku dhex nool xerada Xalane. 

Halgan Media