Jabhada Xuutiyiinta ee Dalka Yemen iyo Xulufada uu Sucuudiga hoggaaminayo ayaa gaaray xabad joojin kumeel gaar ah.

Xabadjoojintan ayaa ka dhalatay kaddib markii isbaheysiga taageeraya Dowladda uu Caalamka aqoonsanyahay ee Cabdu Rabbu Mansuur Haaddi ay horumar ka sameeyeen dagaalka ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan Magaalada Dekadda leh ee Xudeyda.

Xuutiyiinta ayaa codsaday in dhaawacyadooda ay kala baxaan Xudeyda islamarkaana xabadda la joojiyo si wadahadal loogu meel dayo,waxana arrintaas oggolaaday Isbaheysiga Carbeed ee Xuutiyiinta dagaalka kula jira.

Qaramada Midoobey iyo Mareykanka ayaa ugu baaqay labada dhinaca in ay joojiyaan colaadda,waxaana uu Mareykanku jaray shidaalkii uu hawada ku siin jiray diyaaradaha duqeynta ka wada Yemen ee Xulufada Sucuudiga uu hoggaamiyo.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.