Warbixin ay qortay Hey’adda qaxootiga u qaabilsan wadanka Norway ee Norwegian Refugee Council ayaa ay kaga warbixisay dadkii ku barakacay dagaalladii ugu dambeeyay ee dhex maray Soomaalida iyo Oromadda ee ka dhacay degaano dhowr ah oo ku yaalla Ogadenia iyo ismamuulka Oromada.
Hey’adda NRC waxa ay sheegtay in ka badan 200,000 qof ay ka barakaceen dagaallada qowmiyadaha u dhexeeya ee ka dhacay xaduudka udheexyo Ogadenia iyo ismamuulka Oromada, dadkan ayaa u qaxay Ogadenia tan iyo bishii July.
NRC waxay sidoo kale sheegtay in guud ahaan dadka ka qaxay sannadihii ugu dambeeyay dagaallada u dhexeeyay qowmiyadaha qaar ay ka badan yihiin 700,000 qof.“
Dagaallada qowmiyadaha ee ka taagan xadka u dhexeeya ismamuulka Oromada iyo Ogadenia ayaa ku khasbay qoysaska inay buux dhaafiyaan xeryaha barkacayaasha, xeryaha qaxootiga waxaa ka howlgalaa shaqaale gargaar oo ay tiradoodu yartahay, qoysas badan ayaa maalin kasta soo barakacaa” ayaa uu yiri la taliyaha hey’adda NRC ee xaaladaha gobolka, Evelyn Aero.
Mas’uulikani ayaa ku daray in odeyaasha deegaanka ay u sheegeen in wax gargaar ah aysan haysanin isla markaasna dadka ay u geeriyoonayaan caawimaad la’aan.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.