Ugu yaraan Saddex Qof ayaa ku geeriyootay, 19 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray, qarax Gaari oo ka dhacay Magaalada Chabahar ee Dalka Iiraan, sida Maanta oo Khamiis ah laga soo xigtay Telefishanka Qaranka Dalkaasi.

Warar ku dhow dhow halka ay wax ka dhaceen ayaa sheegaya in Qaraxani lala damacsanaa saldhigga Booliska ee Degmada Chabahar.

Guddoomiyaha Gobolka, Balochestan ee Dalka Iiraan, Rahmdel Bamri, ayaa u sheegay wakaaladda wararka IRNA , in Rag hubeeysan ay weerareen xarunta Boliiska ee Degmada, iyaga oo la socday Gaari xamuul ah. Ma jirto koox sheegatay Qaraxa iyo weerarka ka dhacay Dalka Iiraan.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.