Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad dhaqaale iyo mid socdaal ku soo rogtay madaxii hore ee sirdoonka dalka Itoobiya Getachew Assefa ka dib markii lagu eedeeyey inuu ku kacay xadgudubyo ba’an mudadii uu hayey xilka taliyaha sirdoonka wadanka.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii dhawaan aqalka wakiilada ee Mareykanka ay soo gudbiyeen qaraar lagu dalbanayo cunaqabateynta ninkan, kaas oo markii dambe meel mariyey Congress-ka Mareykanka.

Getachew Assefa ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyey in soo abaabulay isku day dil oo lagu khaarijin rabay ra’sul wazaaraha dalka Itoobiya, Abey Axmad intii lagu gudajiray dibadbax lagu taageerayey hogaamiyaha isbedal doonka ah ee la wareegay talada wadanka.

Dambiyada loo heysto Getachew Assefa waxaa sidoo kale ka mid ah inuu gaboodfalo kula kacay kumanaan maxaabiis ah oo ku jiray xabsiyada wadanka intii uu ahaa taliyaha sirdoonka ee wadanka kuwaas oo isugu jira kufsi, jirdil iyo inuu koronto ku dilay maxaabiis ku xirneyd xabsiyada qarsoodiga ah ee ku yaalla dalka.

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada Federalka Mareykanka ayaa dhawaan tilmaamay in la helay xabsiyo badan oo qarsoodi ah oo sirdoonka Itoobiya uu ku tacdiibin jiray maxaabiista, kuwaas oo 7 ka mid ah laga helay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.