Waxaa hada Dagmada Ceel-wayne ee xarunta Gobolka Nogob kasocda kulan balaadhan oo ay leeyihiin waftiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya JWXO ee halkaas kusugan iyo dadka shacabka ah ee Dagmada kudhaqan.
Kulankan oo siwayn looga sooqayb galay ayaa kubilowday jawi dagan wuxuuna ilaa hada kusocdaa jawi quruxbadan.
Waftiga JWXO oo aad udiyaar Sanaa ayaa khudbado dhaadheer dadwaynaha usoo jeediyay, waxayna waftigu shacabka Dagmada Ceel-wayne ugudbiyeen qorshayaasha cusub ee Jabhada.
Sidoo kale odayaasha iyo waxgaradka shirka kasoo qayb galay ayaa dhankooda sheegay in ay taageersanyihiin Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya JWXO iyo hogaaminteeda.
Waxgaradka Ceel-wayne ayaa sidoo kale sheegay in ay waligoodba taageersanaayeen halganka xaqa ah ee JWXO ay hormuudka utahay balse cadaadis xoogan lagu hayay.
Abwaan Khadar Colaad ayaa dhankiisa bulshada kuguubaabiyay xigmadii uu Allaah kumanaystay wuxuuna Abwaanku siwayn uga qiiraysiiyay dadwaynaha.
Xigasho : Ogaden News Agency (ONA)