War kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa looga baaqay muwaadiniinta Mareykanka u dhashay in aysan u safrin meelo ka mid ah Soomaaliya, sababo la xariira qatarro dhinaca amniga ah iyo weeraro laga cabsi qabo iney ka dhacaan Soomaaliya.
Warbixinta digniinta ah waxaa lagu sheeay in Soomaaliya ay wali tahay meel halis ah,qatar dhinac kasta ahna ka jirto sidoo kalena ku badanyihiin dambiyada. ‘Dilka, Afduubka iyo dambiyada kale.
Degaanada Puntland iyo Somaliland, waxaa ku badan jidgooyada sharci darrada ah’ ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.
Warbixinta Digniinta ah ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in kooxaha argagixisada ah ay qorsheynayaan weerarrada Dekadaha,Garoomada Diyaaradaha, Dhismayaasha Dowladda,Hoteellada iyo Suuqyada.
Warbixintaan ka soo baxday Dowladda Mareykanka ee walaaca dhinaca amniga ah ayaa ku soo aadeysa iyadoo shan maalmood ka hor magaalada Muqdisho ay ka dhaceen Qaraxyo ay ku dhintayn inkabadan 20 qof oo shacab iyo ciidan isugu jira.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.