Wararka nagasoo gadhaay gudaha Ogadeniya ayaa sheegaya inay ciidamada itoobiya kuso qul qulayaan qayb kamid gobolka Fafaan.

Howlgalkan ayaa laga fuliyaay caawa gudaha tuulada Sandacare oo ku tallo duleedka degmada Tuliguuleed ayaa sameeyay Ciidamo Itoobiyanka si ay hub ku dhigis ku sameyaan shacabka.

Ciidamada itoobiya oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayay gudaha tuulada Sandacare, waxeyna Ciidamada itoobiya u galayeen gudaha  guryaha ku yaala tuulada, halkaasoo ay dibadda u soo saarayeen Qof walba, kuwaas oo hubka dhigis ku sameyeen.

Ugu yaraan 18 Qoori loo yaqaano Klashnikov ama AK-47 ayey ciidamada itoobiya gacaanta ku dhigeen. Arrintaan wuxuu yimiid kadib markii ay maleeyshiyaadka Oromada dhaq dhaqaaq xoogan ka bilabeen Xaduudka udheexeyo Ogadeniya iyo gobolka Oromada gar ahaan dhanka degmada Jinicsani siidi ay sheegan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale shacabka kudhaqaan tuulada Sandacare iyo tuuloyinka kale udhow degmada Tuliguuleed ayaa cabsi xoogan daremaayo caawa kadib markii ay ciidanka itoobiya kudhawaqeen inay shacabka Somalida hubka ka dhigaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.