Wararka nagasoo gadhaay gudaha Ogadeniya gar ahaan degmada Dhagaxmadow ee gobolka Jarar ayaa sheegaya inay maleeyshiyaadka Liyuu Booliska rasaas kufureen dad shacab ah.

inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa dhaawacmeen oo loola cararay isbitaal ku yaalla magalaada Dhagaxbuur siidi ay sheegen ilo wareedyo lagu kalson yahay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Mustafa Cagjar ee laxariira dhac-dadaan. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dibadbaxyo looga soo horjeedo Mamuulka Mustafa Cagjar iyo Guddomiyaha gobolka Jarar Maxamed Sugulle ay ka bilowdeen qeybo ka mid ah degmada Dhagaxmadow.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.