Heshiish nabadeed ayaa maanta dhex maray Jabhada Canfaarta loo yaqaano Afar Liberation Front iyo Gumaysiga Itoobiya. Heshiiskaas oo ka dhacay magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa soo afjaraya colaadda u dhaxeysay labada dhinac.
Xukuumada Itoobiya ayaa sheegay in heshiiskaas ay soo dhaweynayaan,isla markaana uu yahay mid Shacabka kudhaqaan Ismaamulka Canfaarta nabad u horseedaya.
Sidoo kale dowlada itoobiya ayaa sheegay inay u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Xubnaha Sar sare ee Jabhada ALF oo kusoo Ismaamulka Canfaarta kadib heshiiskii Magalada Asmara.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.