Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa shalay wiil dhalinyaro ahaa ku dilay degmada Meikhtila ee gobolka Gonder siidi ay sheegan warbahiinta Amhara Mass Media Agency (AMMA) ka howlgallo Ismaamulka Axmaraada.

AMMA ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay Hotel ku yaala bartaamaha magalaada Meiktila. Illaa iyo hadda lama oga u jeedada rasmiga ah ee ka dambeysay dilka loo geystay.

Sidoo kale Welina ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda oo ku aadan dilkaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Ismaamulka Axmaraada ka dhacayay falal liddi ku ah Ammaanka, mana muuqato qorshe ay wax kaga qabanayaan Laamaha Ammaanka ee Dowlada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.