Dagaal u dhexeeyay Maleeyshiyaadka Oromada oo katirsan Jabhada Oromo Liberation Front (OLF) iyo Ciidamada Itoobiya ayaa waxa uu ka dhacay degmada Jinicsani ee gobolka Fafaan.

Waxaana dagaalkaasi uu yimid kadib markii ay isku dhaceen maleeyshiyaadka Oromada iyo ciidamada itoobiya siidi ay sheegan dadka degaanka. Ugu yaraan 4 Qof ayaa labada dhinac ku dhintaay dagaalkaasi oo hubka culculusay iyo kuwa fudud intaba la isku weedaarsaday.

Degmada Jinicsani waa dhuul Soomaaliyeed oo katirsan gobolka Fafaan  lakiin xukuumada Gumaysiga Itoobiya ayaa sii sharci darro ah u Warejiyay Ismaamulka Oromada, shacabka Somalida oo degna jiray Degmada Jinicsani waa laga Qaxiyaay degmada kadib markii ay Oromada bilabeen inay Xasuuqaan shacabka Somalida.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.