Wararka laga helayo bariga Ogadenia gar ahaan gobolka Doolo ayaa ku warramaya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareemayo degmada Galaadi ee gobolkaasi.
Xiisada oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay u dhexeyso shacbka kudhaqaan degaanka iyo maleeyshiyaadka Liyuu Booliska iyo ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo iskashanayo. ilo wareedyo kusuguun Galaadi ayaa sheegay inay maleeyshiyaadka Liyuu Booliska isku deyeen inay xiraan hogganka nabad geliyada u Qabilsan degmada Galaadi la yiradho Cawil Cali Xussen.
Shacabka kudhaqaan degmada Galaadi ayaa ka carootay Xadhiga sharci darrada ah, kadib bilabeen inay ku hor banaanbaxaan xafiisyaada mamuulka degmada Galaadi. Sacaad kadib waxaa degmada Galaadhi gadhaay ciidamada Gumaysiga Itoobiya, ayaaga oo waato Gaadiidka Gaashaman Ku Habeysan Aya lagu Arkaya Wadooyinka degmada Galaadi.
Sidoo kale Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in dagaal uu qarxo, maadaama dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo halkaasi.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.