Hay’adda qaxootiga qaramada midoobay u qaabilsan ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay ku dhaliishay qorshaha dowladda Kenya ay ku dooneyso in ay ku xirto xerada ugu balaaran qaxootiga aduunka ee Dhadhaab.

Hay’adda ayaa warbixinteeda ku xustay in hadii xukuumadda Nairobi ay malaayiin qaxooti Soomali ah dib ugu soo celiso gudaha Soomaaliya ay balaarin doonto xaaladaha bin aadanimo ee xiligan ka jira qeybo kamid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaliya.

Madaxa hay’adda UNHCR ee bariga Africa Dana Hughes ayaa sheegay in laanta qaramada u qaabilsan qaxootiga ay in badan ka war heyso qorshaha ay dowladda Kenya ku dooneyso in ay ku xirto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab,oo ay deegaansadaan in ka badan 230 kun oo u badan qaxooti Soomali ah.

Sidoo kale Mr Hughes ayaa tilmaamay in ay dowladda kala shaqeyn doonaan sidii xal loogu heli lahaa malaayiin qaxooti ah oo magan galyo ay siisay ku dhawaad 30 ka hor,isla markaana ay dedaal badan ku bixin doonaan sidii dib u dajin rasmi ah loogu sameyn lahaa qaxootigaasi.

Warbixinta UNHCR ayaa sidoo kale looga mahad celiyay dowladda Kenya magan galyada ay siisay Malaayiin qaxooti ajinabi ah iyo sida ay u soo dhaweeyeen tobanaan sano ka hor qaxootigii Soomaliyeed ee ka soo cararay colaadihii sokeeye ee ka jiray dalka.

Maalin ka hor ayey markii hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo Human Rights Watch ay si isku mid ah uga hor yimaadeen qorshe xukuumadda Nairobi ay ku dooneyso in ay albaabada isugu dhufato xerada qaxootiga ugu balaaran aduunka.

Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa ku nool Malaayiin qaxooti ah oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya,Itoobiya iyo Sudan,kuwaas oo dalalkooda uga soo cararay abaaro iyo colaado sokeeye oo ku dhuftay deeganada ay ku noolaayeen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.